Kulan qiimi badan oo dhex maray gudiga Raaswanaag ee USA iyo xildhibaan Mudane Maxamed Cadow

Kulan qiimi badan iyo casho sharaf heer sare loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xalay fiidnimo carriga mareykanka. Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey gudoomiyaha Raaswanaag Mudane Maxammed Sh Maxamuud (Sandheere) iyo xubno kale oo ka tirsan golaha sare ee Raaswanaag oo uu ka mid ahaa Suldaan Maxammed Bade.Shirkan ayaa daarnaa soo dhaweyn la soo dhaweynayo xildhibaanka iyo xog u warran ku saabsan deegaanka Raaswanaag ee dhawaantay laga higaliyey Kenya. Shirkan ayaa wuxuu ku soo dhamaaday farxad iyo isfahan ku saabsan sidii xildhibaanku wax uga qaban lahaa Raaswanaag. Waxaa sheegiud mudan sidoo kale in xildhibaanku aad iyo aad ugu riyaaqay waxbixintii laga siiyey deegaanka, wuxuuna u ballanqaaday deegaanka in uu imaan doono wax badanna ka qaban doono haddii Eebbe idmo. dhanka kale wuxuu guddigu uga mahadceliyey xildhibaanka sida qiimi badan ee uu soo ajiibay baaqa Raaswanaag.

Lämna ett svar

Din e-postadress kommer inte publiceras. Obligatoriska fält är märkta *